Sacuudiga oo Casuumay Fanaanad aad u anshax daran iyo Baraha bulshada oo …

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa wada isbadalo badan uu ka hirgalinayo boqortooyada Sacuudiga, waxaana dalkaasi hada ka hirgalaya arimo badan oon horey dalkaasi uga jirin.

Bandhig 18-ka bishan ka dhacaya magaalada Riyad ee caasimada dalka Sucuudiga ayaa lagu casuumay fanaaniin dunida caan ka ah , waxa ayna fanaaniintan halkaasi kusoo bandhigi doonaan heeso iyo ciyaaro.

Fanaaniinta bandhigan lagu casuumay waxaa kamid ah fanaanada Nicki Minaj oo kamid ah fanaaniinta xiligan ugu caasna caalamka, waxa ayna fanaanadan kusoo caan baxday anshax daro gaar ahaan in ay qaawiso qeybo badan oo jirkeeda kamid ah.

Nicki Minaj ayaa sidoo kale qaada heeso u badan kuwa dareenka kicinaya iyadoo sidoo kale soo bandhigta ciyaaro waali ah, waxa ay sidoo kale fanaanadan dhiiro galisaa in ay is guursadana dadka isku jinsiga ah.

Madaxa golaha murtida iyo madadaalada ee Sucuudiga Turki Al Sheekh ayaa sheegay in bandhiga ka dhacaya Sacuudiga kaliya aan lagu soo bandhigi doonin heeso balse qeyb ka noqonayaan Indho sarcaad iyo Qamaar.

“Alle idimkiis, arrimaha madadaalada waxaa ka mid ahaan doona carwooyinka indho saraxaadka, darjiinooyinka mala awaalka ah, qamaarka, si aan ragga iyo dumarka ugu tabobarno in ay soo bandhigaan hibadooda”. ayuu yiri  Turki Al Sheekh

Baraha bulshada ayaa aad looga hadal hayaa fanaanadan lagu casuumay Sacuudiga, waxa ayna dhalinyaro badan isweediiyeen waxa Sacuudiga ka dhacaya marka fanaanadan dharka dhigato ayna soo bandhigto heesaheeda dareenka kicinaya.

Dad badan oo baraha bulshada aragtidooda ka dhiibtay ayaa ku cambaareeyay Sacuudiga in ay casuumaan fanaanadan iyo kuwa kale oo anshax daran , waxa ayna dad badan tilmaameen in Sacuudiga xiligan ku socdo dhabo qaldan.

Bandhigan ka dhacaya magaalada Riyaad ee caasimada Sacuudiga ayaa kamid ah isbadelada fur furnaanta lagu sheegay uu doonayo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan in uu ka hirgaliyo dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -