Maxkamad ku taalla Mareykanka oo ku gacan seyrtay dacwad uu u gudbiyey Trump

Maxkamad Mareykan ah ayaa ku gacan seyray isku day uu maamulka Trump ku doonayay in lagu hakiyo soo bandhigidda buug uu qoray , John Bolton oo ahaa la taliyihii hore ee amniga qaranka.

Waaxda caddaaladda ayaa ku doodeysay in buuggaas aan si sax ah loo turxaan bixinin.

Balse Garsoore Royce Lamberth oo xaakin ka ah maxkamadda magaalada Washington DC ayaa ku gacan seyray dacwada Trump.

Aqalka cad ayaa sheegay in Mr. Bolton uu khamaar ku ciyaaray amniga qaranka Mareykanka, uuna waddankiisa halis galiyay.

Buugga uu Trump kasoo hor jeedo in la shaaciyo ayaa suuqyada loo iib geyn doonaa 23-ka bishan June, Waxaa ku jira qoraallo uu Mr Bolton ku sharraxayo in madaxweynaha uu wax kasta u sameynayay sidii uu mar kale xilka ugu guuleysan lahaa.

Arrimaha uu ka carooday Trump ee buugan ku jira ayaa waxaa ka mid ah inuu caawinaad ka raadsaday Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping si uu ugu guuleysto cod-bixinta doorashada 2020-ka, isagoo taas baddalkeedana mudnaan siinaya muhiimadda ay leeyihiin beeraleyda iyo kordhinta soo iibsashada dalagyada shiinaha ee digirta iyo qamadiga, taasoo ku xiran natiijada doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -