Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa booqasho saddex maalmood ah ku yimid magaalada kinshasa ee Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo ka dib martiqaaduu ka helay madaxweyne Felix Tshisekedi.
Diyaaradda Kenya Airways ee ay leedahay madaxweynaha iyo gelitaankiisa ayaa ka soo degtay garoonka caalamiga ah ee N’djili ee magaalada Kinshasa ee caasimadda DR Congo galabta 3:30 daqiiqo.
Madaxweyne Kenyatta waxaa garoonka diyaaradaha si rasmi ah ugu soo dhoweeyey dhigiisa Madaxweyne Felix Tshisekedi.
Booqashada madaxweyne Kenyatta uu ku tagay Jamhuuriyadda dimuqraaddiga ah ee Congo, ayaa imaaneysa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Moxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saaka dib uga laabtay Muqdisho ka dib safar uu ku tagay Kinshasa, waxaana aad u kala duwanaa soo dhoweynta loo sameeyey labada Madaxweyne
Farmaajo oo dalka Congo socdaal ku tagey 19kii bishan, waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda dalkaasi ee Kinshaasa ku soo dhaweysay Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkaasi Marie Tumba Nzeza.
Sawirrada waftiga madaxweyne Farmaajo ayaa muujinayay in dayaaradda hoosteeda ay kusoo dhaweysay gabadhaasi, iyadoo sidoo kale ay muuqanaysay in Baratakoolka soo dhaweyntu uu  ahaa mid kala daadsan oo aan dhameystiran.
Sidaas si ka duwan Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo isna maanta dalkaasi tagey waxaa si meeqaam sare ah u soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi Felix Tshisekedi, iyadoo madaxweyne Uhurru uu salaan ciidan iyo baratakool dhameystiran ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidan dalka Congo.
Arritan ayaa hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada, lamana oga sababta dowlada Congo DR talaabadaas ugu dhaqaaqday, hase ahaatee dadka ku xeeldheer arrimaha diblomaasiyada ayaa sheegay in Farmaajo uu ahaa Madaxweyne waqtigiisii dhamaaday oo aqoonsi u raadinaya muddo kororsi, halka Uhuru Kenyattana uu yahay Madaxweyne ku yimid doorasho oo muddo xileedkiisu weli socdo, waxaana arintan ay dhaawac ku tahay nidaamka dowladnimo ee Somalia oo sanadahan soo kobcayey.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA SIDA LABADA MADAXWEYNE LOO SOO KALA DHOWEEYEY
HOOS KA DAAWO SOO DHOWEYNTA UHURU KENYATTA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com