Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Labo qarax oo caawa ka dhacay Guri uu degan yahay Sarkaal ka tirsan ciidanka DF

Degmada Wanle-weyn ee gobolka Shabeellaha hoose wararka naga soo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in caawa halkaas ay ka dhaceen qaraxyo xoogan oo Khasaaro geystay.

Ugu yaraan labo qarax ayaa gudaha degmada Wanla-weyn laga maqlay, waxaana cirka isku shareeray uuro Madow sida dadku degaanku sheegayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada qarax ay ka dhaceen hoyga sarkaal ka tirsan ciidamada DF oo magaciisa lagu soo koobay Halac, waxaana qaraxyada ka dib la maqlay rasaas culus oo muddo kooban socotay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyada ay ku dhinteen 3 ruux, 5 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo la geeyay xarun Caafimaad oo ku taalla degmadaas.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badnaa askartii ilaalada u aheyd sarkaalka gurigiisa la weeraray iyo qoyskiisa xubno ka tirsan sida ay ku warameen ilo xog ogaal ah.

Lama  illaa hadda in sarkaalka la weeraray uu ka badbaaday qaraxyada iyo in kale, sidoo kale ma cadda nooca loo adeegsaday qaraxyada ka dhacay hoygiisa, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo halkaas ka wada baaritaano.

Nala soco haddii ay warar dheeraad ah ka soo kordhaan…

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Mareykan oo mid kamid ah weeraradii ugu cuslaa maanta ka fuliyay dal Carbeed

Cabdi Cade

(Daawo) Xassan Shiikh oo fariin ku aadan Munaasabada Ciida u diray shacabka

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo wareejiyay dhul laga dhisayo xarunta Ciidanka Danab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---