Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo shir xasaasi ah kaga qeyb galay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada oo ku qabsoomay Xafiiska Amniga Qaranka ee Xarunta Madaxtooyada.

Guddiga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda  la wadaagay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray xakamaynta ilaha dhaqaale ee Al shabaab iyo Daacish iyo qorsheyaasha cusub ee lagu wajahayo xeeladaha dhaqaale abuurka Argagixisada.

Waxay oo soo bandhigeen Shaqsiyaad ka tirsan al shabaab oo lagu soo rogayo cuna-qabatayn dhaqaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha Argagixisadu u leeyahay ciribtirka al shabaab iyo nabad ku soo dabaalidda dalka, isaga oo faray mas’ulliyinta ku mideysan guddigan in la dar dar geliyo qorsheyaasha burburinta ilaha dhaqaale ee kooxahan iyo  ciribtirka khataraha maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan lacag dhaqidda.

Related posts

Markab Xamuulka qaada oo ku quusay xeebaha Soomaaliya ka dib markii..

Caydiid Ali

Qoorqoor oo shacab fara badan kula tukaday Masjidka degaanka Baxdo (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Musharixiinta Gudoomiyaha golaha Shacabka oo la filayo in ay tanaasulaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---