George Floyd oo ugu dambeyn lagu aasay Magaaladii uu ku barbaaray ee Houston (Sawirro)

George Floyd ayaa ugu dambeyn lagu aasay magaalada Houston ee caasimadda gobolka Texas oo ah halkii uu ku barbaaray

Floyd oo labo todobaad ka hor geeriyooday ayaa dunida ka dhalisay sida loo dilay dibed-baxyo caalami ah iyo dood ku aaddan arxan darrada iyo dhaqanka gaarka ah ee ay hay’adaha amaanku kula macaamilaan dadka madow

Dadka aaska ka qayb galay qaarkood ayaa sheegay in marka la aaso maydka George Floyd kaddib ay tegayaan Minneapolis oo ah halka lagu diley halkaasoo maxkamad lagu saarayo midka diley iyo kuwa ka hortegi waayey.

Musharraxa Madaxweynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa farriin duuban uga qayb qaatay duugta Floyd oo lagu aasay qubuuro ku yaalla bannaanka Houston, halkaasoo ay hooyadii horay ugu aasnayd.

Mr Floyd oo ahaa nin madow ah oo aan hubeysnayn ayaa askari ka tirsan Booliiska uu luqunta in ka badan 8 daqiiqo jilibka kaga hayay isaga oo ku qaylinayay “ma neefsan karo”.

Askariga lagu magacaabo Derek Chauvin ayaa jilibka dhulka kula nabay isagoo lagu eedeeynayo in uu goob dukaan ah uu wax uga iibsanayay 20 doolar oo been abuur ah.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday mudaharaadyo rabshado iyo boob sababay oo ka dhashay caradii laga qaaday muuqaal baraha bulshada ku faafay oo laga arkayay askari jilibka qoorta uga haya George Floy.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -