(Akhriso) Puntland oo War kulul ka soo saartay xaalada dalka, 12 qodobna ku eedeysay DF

Maamulka Puntland ayaa War-saxaafadeed kulul ka soo saaray xaalada dalku ku sugan yahay iyo sida DF uga cagajiideyso iney qabato doorashooyinka xiliga kala guurka.

Puntland ayaa soo dhowesyay baaqii Aqalka Sare ee ahaa in la qabto shir wada tashiga oo looga hadlayo hannaanka doorashada iyo Guddiga Aqalka Sare u saaray qabashada shirkaas.

Waxay ku baaqday in shirkaas la qabto ugu dambeyn 20-ka bishan June, aysana ka qeyb geli doonin shir qorsheysan oo la qabto kaddib kulanka 27 bishan June oo loo balansan yahay in Baarlamaanka warbixin ka jeediso Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran ka Xaliimo Yarey.

War-saxaafadeedka ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in madaxtooyada Somalia ay fashilisay wadahadalo hoose oo lagu doonayey in la iskugu keeno madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -