Saciid Ciise: “Siyaasiyiinta aan daacada aheyn Ma leh Mabda’ loogu soo Hagaago”

Siyaasiga waxa ugu weyn ee lagu rumeysan karo hadafyadiisa siyaasadeed waxaa ugu muhiimsana fikirka uu siyaasad ahaan aaminsan yahay oo uu si daacadda u rumeysan yahay meelmarinteeda, waxeyna taas ay gaarsiineysaa inuu ku raacsan yahay cid kasta oo meelmarineysa fikirkaas uu rumeysan yahay, isaga oo aan wax shardiya ku xirin inuu isagu noqdo cida fulisa fikirkaas oo libinteeda yeelata, waxaana had iyo jeer ka go’an inuu taageero buuxda kula garabistaago ka qeybqaadashada dadaalada fikirkaas looga gudbin lahaa tijaabooyinka horyaala ee la dhexmarsiinayo si looga gungaaro ka miro dhalintiisa.

Siyaasiyiinta aan ahayn dhaqan la yuurarka (conservative) waxey isku wada raacsan yihiin in nidaamka dowladnimada la ciladbixiyo oo si joogta ah loogu sameeyo isbedel si looga dhigo mid nool oo aan mayd ahayn, kaas oo la jaanqaadi kara horumarka casriga ah iyo isbedelada dhaqan-dhaqaale ee ku yimaada bulshada, kuwaas oo u horseeda jiilasha isbedelaya iney ka heleen kuwii ka horeeyey saamoqaad ay uga daydaan oo jidka mustaqbalka ugu sii baneeya sidii ay turxaanbixin joogto ah ay iyaguna ugu sameyn lahayeen wanaajinta hanaanka dowladda maamulkeeda lagu hogaaminayo.

Siyaasiyiinta isgediska badan waxey rumeysan yihiin in la qabto doorasho qof iyo coda oo dadweynaha ay codkooda si xora ku dhiibtaan, haddana waxey diidan yihiin marka ay arkaan cid aan iyaga ahayn ama ka fikir duwan oo isbedelkaas siyaasadeed oo ay haminayeen fulineysa, waxeyna taas ka dhigan tahay ineysan daacad u ahayn fikirka ay sheegayaan iney rumeysan yihiin meelmarintiisa, balse waxey muujinayaan iney aaminsan yihiin iney mucaaradsan yihiin shaqsiyada fikirkaas fulineysa, taas oo aan ahayn tayo siyaasadeed oo saxa,  maxaa yeelay waxa la isku hayo ama waa fikir la isku raacsan yahay ama la isku diidan yahay.

Waxaa jira siyaasiyiin rumeysan iney milkiileyaal ka yihiin aragtiyada siyaasadeed ee lagu hagayo dowladda ay wada leeyihiin dadka shacabka u ah dalka, kuwaas oo aaminsan in iyaga looga dambeeyo wixii isbedela ee lagu sameynayo hanaanka dowladda ay ku dhisan tahay iyo midka ay geediga u tahay, maxaa yeelay waxey beel ahaan ama deegaan ahaan ay qadiyad ahaan u rumeysan yihiin iney dadaal badan ay dadkoodu si gaara u geliyeen fikrado horay dalka dowladiisa loogu soo maamulayey oo aan hadda iyaga la’aantood waxba laga bedeli karin waxna lagu dari karin idankooda la’aantood.

Kuwo siyaasiyiina ayaa rumeysan iney dastuurka dalka iyagu u sameeyeen iney ku ilaashadaan maslaxado gaar ahanayd oo ay deegaakoodu leeyihiin oo haddii la isku dayo in wax laga bedelo u heysta in duulaan lagu yahay maslaxadooda ama loo danleeyahay waxyeeladooda, taas oo meesha ka saareysa fahamka ah in dastuurku yahay wax dadka ka dhexeeya oo ah heshiis ummadeed, balse uusan ahayn wax ay leeyihiin siyaasiyiin gaara oo ka soo jeeda deegaan gaara, sidaasna uu dastuurku u noqon karo mid la bedeli karo oo si hagaagsan la waafajin karo wanaaga maslaxad guud ee dalka, dadka, iyo dowladda.

Waxaad wax badan aad maqleysaa iney jiraan siyaasiyiin iska dhaadhiciyey in heyb ahaan ay iyagu iska leeyihiin jagada raisul wasaaraha oo awooweyaashood ay sidaas heshiis kula ahaayeen gumeystihii Talyaaniga, ama dhalashadii jamhuuriyada kadib ay axdi xeeladeysan si qarsoodiya ay ula galeen madaxyaweyntii Muqdisho is jagadaas oo ay iyagu soo dhacsadeen banaanka looga dhigo reer waqooyiga iney soo haweystaan, waxeyna siyaasiyiintaas u arkaan naasnuujin ka go’day haddii meesha laga saaro jiritaanka raisul wasaaraha oo ay u haystaan kheyraad dabeeciya oo ay iska leeyihiin iyo aalad awood badan oo ay dowladda dhexe ku carqaladeyn karaan haddii aan loo yeelin danahooda siyaasadeed oo saami deeriga ku dhisan.

Waxaa kaloo jira siyaasiyiin isi siiyey iney leeyihiin curinta dimoqaraadiyadda iyo federaalka Soomaaliya, iyaga oo mar kasta ku celcelinaya labadaas fikradood lahaanshahooda  iyo in iyaga lagu xushmeeyo, abaalmarina looga dhigo in sooyaalka Soomaaliya qodobadaas lagu xuso, loogana daydo oo dariiqa ay falaan la raaco, haddana si indho la’aana looga dambeeyo taladooda iyo sida ay u arkaan ku dhaqanka aragtiyadaas siyaasadeed, waxaana soo ifbaxa inaysan aqbalayn mar kasta oo ay timaado in la curiyo isbedelo lagu hagaajinayo dowladnimada, iyagoo ficiladaas u arkaya arrin lagu burburinayo dimoqaraadiyada, federaalka, iyo dastuurka, kuwaas oo ay rumeysan yihiin in sidooda loo qaato oo aan waxba laga bedelin.

Waxaa jira siyaasiyiin aaminsan iney xisbiyada yihiin hanti ay iska leeyihiin, sidaasna ay ugu ololeynayaan danaha maslaxadooda gaarka ah u gooniya, waxeyna sidaas ku diidan yihiin inaan xisbiyadooda tartanka siyaasadeed laga saari karin, waxeyna doodaas ku saleysan lahaanshaha shaqsiyadeed ee xisbiga siyaasadeed ay ka horimaneysa caqiidada xisbiyada loo aasaaso oo ah iney yihiin kuwo ku dhisan mabda’ siyaasadeed oo ay aragtiwadaag ku yihiin dad isku baheystay dhismaha xisbi siyaasadeed, taas oo meesha ka saareysa in aasaasaha uu yahay milkiilaha xisbiga, balse uu yahay xubin ka mida xisbiga oo aragtida xisbiga ku hogaaminaya dadka ay aragtiwadaaga yihiin.

Waxaa sidoo kale la arkayaa iney jiraan siyaasiyiin isku haysta iney iyagu yihiin wakiilada iska leh dadweynaha ay siyaasadda ku metelaan, kuwas oo diidan cid kale iney u gacan dhaafto dadka deegaankooda, sidaasna ku doodaya inaan loo baahneyn afti laga qaado dadka ama doorashooyin ay dadku si xora oo xalaala ay codadkooda ugu dhiibtaan, taas bedelkeedna ay iyagu u taagan yihiin in lagala xaajoodo waxyaabaha looga baahan yahay dadweynaha maamulkooda hoos yimaada, waxeyna kuwaas ay mar kasta xasaasiyaad ka qabaan tilaabo kasta oo dadweynaha loogu gudbinayo ka qeybqaadashada masiirka danahooda siyaasadeed, waxeyna tilabadaas ay u arkaan iney tahay mid iyaga lid ku ah oo looga danleeyahay in dadka ay xukumaan gacmahooda laga hoos bixiyo oo ay taageeroyaal u noqodaan siyaasiyiin iyaga ka soo horjeeda oo talada deegaanka kula tartamaya ama ay taageeroyaal u noqdaan kuwo aan heybtooda ahyn oo heer federaala.

Waxaan soo dhoweynayaa in madaxweynaha Soomaaliya iyo raisulwasaarahiisa ay haddaba si dadban u tijaabiyaan iney ku wada shaqeeyaan ku dhaqanka hanaanka madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen oo ay xilalkaas ku wada bilowdaan, kuna wada dhameystaan, taas oo jidka u xaareysa iney noqoto tijaabo ku dayasho mudan oo musharixiinta u tartamaya doorashooyinka soo socda ay noqoto mid ku dhiirogelisa hubsiimada aad horseedka u noqoteen oo weliba magac iyo maamuus aad ku reebtaan degenaansho ku hirgelinteeda, waxeyna tilaabadaas ay argagax gelin doontaa mujrimiinta siyaasadeed oo codbixinta dadweynaha ay si dhab u qaawin doonto wajiyadooda qarsoon.

Mujrimiinta siyaasadeed cabsida ay ka qabaan qorshaha siyaasadeed ee mustaqbalka fog waxey tilmaameysaa iney hubanti la’aan ku qabaan hiigsiga dantooda ee wakhtiga dheer, balse waxey si dhow u arkaan ka gungaarida maslaxadahooda ku gadaaman mustaqbalka dhow, taas oo ku keenta iney tilaabooyin yaryar u qaadaan majaxaabinta wixii cusub oo halis ku ah danahooda soo jirey wakhtiga dheer oo ay mansab iyo manfacba ku haysteen, waana taas mida dhalisay iney noqdaan siyaasiyiin sheegta milkiyada raisulwasaaraha, xisbiyada, aragtida lagu maamulayo hanaanka dowladda, iyo lahaanshaha codbixinta dadweynaha.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

- Advertisement -