Arrin yaab leh oo ka dhacday Xarunta Ururka Dhalinyarada gobolka Banaadir (Sawirro)

Xarunta Ururka Dhalinyarada gobolka Banaadir  waxaa galabta ka dhacay kulan balaaran oo lagu taageerayey Madaxweyne Farmaajo, waxaana kulankan ka qeyb galay dhalinyaro fara badan oo la sheegay in qaab marin habaabin ah lagu keenay goobta shirka.

Dhalinyaradda goob-jooga ka ahaa kulankan ayaa ka koobnaa min 25 xubnood oo laga kala keenay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, dhalinyaradan ayaana ahaa kuwa ka shaqeenayay wacyi galinta Covid-19.

Qaar ka mid ah dhalinyaradan ayaa sheegay in iyagoo xaafadahooda iska jooga la soo wacay loona sheegay iney tagaan xarunta dhalinyarada gobolka Banaadir si ay u buuxiyaan foomam ku aadan barnaamijka Wacyi galinta oo dhaqaalo aan badneyn loo sheegay in lagu siinayo.

Hase ahaatee dhalinyaradan oo u badnaa kuwo ay dilootay baagamuundo ayaa  markii ay tageen xarunta ururka dhalinyaradda gobolka Banaadir waxay ku hungoobeen damacoodii ahaa in foomka shaqo buuxiyaan waxayna sheegeen iney la kulmeen wax aad uga duwan wixii ay filayeen, xaqiiqada goobta taallana ay aheyd ka qeyb galka kulan lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo oo halkaas ka socday.

“Waa nala siray aad baan u fajacay markii aan goobta gaaray, Ujeedada naloo wacay maba aheyn in aan Foom shaqo buuxino iyo wax la mid ah ee waxay aheyd inaan ka qeyb galno kulan taageero loogu muujinayey Madaxweyne Farmaajo, si aanu u camirno kuraasta goobta dhoobneyd, sacabka iyo mashxaradana uga qeyb qaadano waa nasiib daro weyn in dhalinyarada magacooda lagu dan gaaro, iyadoo been la adeegsanayo” ayuu yiri Mid ka mid ah dhalinyarada looga yeeray kulankaas oo magaciisa ku soo gaabiyey Xasan.

Dhalinyaro kale oo ka qeyb galay kulankaas ayaa sheegay ineysan diidaneyn taageerada Madaxweynaha balse ay wax laga xumaado tahay in rag masuuliyiin sheeganaya oo ka tirsan Ururka Dhalinyarada G/Banaadir ay magaca dhalinyarada ka dhigtaan wax mansab iyo maamuus looga raadsado madaxda Qaranka, iyagoo adeegsanaya been, ama faaiideysanaya duruufaha heysta dhalinyarada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -