Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada Maraykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Sh/hoose

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa War saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay 2-dii bishan afar qof oo ay ku tilmaameen argagixiso ku dileen meel 74-km waqooyiga galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

War-Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in iyadoo la kaashanayo xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ay ciidanka maraykanku qaadeen weerarkaas oo loo adeegsaday dayuurad aan duuliye laheyn.

Wuxuu war saxaafadeedku intaa ku daray in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay balse  warar aan weli la xaqiijin oo laga helayo deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose waxay sheegayaan in dhowr qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerarkan.

Weerarka ayey dadka deegaanku sheegeen inuu shalay gelinkii hore ka dhacay inta u dhaxaysa tuulooyinka Goobaale iyo Baladul-amiin ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana la sheegay in dadka dhintay ay wada saarnaayeen hal gaari oo gantaal lagu dhiftay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Fatimah O’Sullivan “Islaamku wuxuu iga saaray noloshii foosha xumeyd ee qamriga iyo rabshada.”

Cabdi Cade

Tobanka dal ee ugu qanisan qaaradda Afrika oo lasoo bandhigay (Yaa Hoggaaminaya)

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah Warshadaha sifeeya shidaalka Sacuudiga oo la weeraray & dab qabsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---