Dowlada federaalka oo shaacisay xiliga rasmiga ah ee la furayo duulimaadyada Gudaha

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Hey’adaha ka howlgalo Garoonka Aadan Cabdulle ayaa lagu shaaciyay in Todobaadka soo socda bilowgiisa la furi doono Duulimaadyada gudaha.

Shirkaan oo uu shir gudoominayay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Salaad Oomaar ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan isaaq, Agaasimaha wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaale Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin, Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde General Cabdi Ashkir, Gudoomiyaha Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) Mudane Cali Axmed Faarax iyo Gudoomiyaha adeegga diyaaradaha Mudane Xasan Xaashi.

Mas’uuliyiinta ayaa kormeeray meelaha musaafuriinta lagu qaabilaayo iyagoo ka bilaabay xarunta Sahal Terminal ilaa iyo Garoonka qeybahiisa kala Duwan, kormeerkaan ayaa looga goleeyahay sidii loo hunin lahaa in Hey’adaha u diyaarsanyihiin in furitaanka duulimaadyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa xayiraad kusoo rogtay Duulimaadyada gudaha iyo dibedda horaantii bishii Maarso taas oo looga hortagaayay Cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -