Allbanaadir.com
NEWS

DF & Taliska AUSSOM oo shir labo geesood ah yeeshay

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay shir muhiim ah oo ka dhacay xafiiska la-taliyaha Amniga Qaranka.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socday hay’adaha Dowladda Federaalka, howlgalka taageerista iyo xasillinta Midowga Afrika (AUSSOM), iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa ujeeddadiisu ahayd wadatashi ku saabsan dardargelinta howlgalka AUSSOM iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee ka shaqeynaya amniga iyo xasilloonida dalka.

Qaramada Midoobay ayaa si degdeg ah ugu baaqday in la helo $41.6 milyan oo dheeraad ah si loo xoojiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Qaraarka 2767, oo Golaha Ammaanka ansixiyay bishii Diseembar 2024, ayaa si rasmi ah u taageeray in laga guuro ATMIS, laguna oggolaaday waddamada Midowga Afrika inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u taageeraan AUSSOM muddo 12 bilood ah.

Si kastaba ha ahaatee, si howlgalka si buuxda loogu daro nidaamka canshuuraha QM waxa uu sugayaa go’aan kale oo Golaha Ammaanka ka gaari doono.

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wefdi uu Hogaaminayo oo kusii jeeda dalka Qatar

Cabdi Cade

Arsene Wenger oo lagu casuumay caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Liberia

Caydiid Ali

Qarax khasaare sababay oo lagu weeraray kolonyo ay la socdeen Milateriga Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---