Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kooxo qorsheynayey iney gubaan Kitaabka Quraanka oo laga ceyriyey dalalka Beljim & France

Xukuumada Beljimka ayaa dalkeeda ceyrisay 5 qof oo u dhashay dalka Denmark kuwaasoo doonayey inay kitaabka Quraanka kariimka ku gubaan magaalada Brussels gaar ahaan degaan ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta.

Raggan ayaa sida la sheegay aaminsan fikirka midig fog, iyadoo Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Belgium Sammy Mahdi uu raggan ku tilmaamay inay halis ku yihiin nidaamka iyo kala dambeynta.

Bog ay barta facebook ku leeyihiin ragga la tarxiilay ayey ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin siyaasiga midig fog ee u dhashay dalka Denmark kaasi oo lagu magacaabo Rasmus Paludan kaasoo qudhiisa laga ceyriyay dalka Faransiiska Arbacadii ka dib markii uu muujiyay in uu doonayo in Kitaabka Quraanka uu ku gubo magaalada Paris.

Horraantii sanadkan ayaa siyaasigani xabsiga la dhigay muddo bilooyiin ah dalkaasi Denmark ka dib markii lagu eedeeyay inuu u gefay Islamka, islamarkana uu muuqaalo ka dhan ah Islamka uu so dhigay baraha bulshada uu xisbigiisa .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax  ka dhacay Fagaare Ra’isul Wasaaraha Itoobiya kula hadlayay Kumanaan dad ah

Cabdi Cade

Maraakiib dagaal oo Ingiriiska leeyahay oo iskula dhacay xeebaha dal Carbeed

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Hormuud oo deeq gaarsiisay Maxaabiista Xabsiga Dhexe iyo Naafadda ciidamada Xogga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---