Sacuudiga iyo Ruushka oo ka heshiiyey khilaaf uu sababay cudurka Coronavirus

Sacuudi Carabiya iyo Russia ayaa gaaray heshiis horudhac ah oo muddo bil ah lagu dheereynayo dhimis ay ku sameeyeen wax soo-saarkooda saliidda cayriin, si sare loogu qaado qiimaha saliidda caalamka.

Ruushka iyo Sacuudiga ayaa horraantii sanadkan waxaa dhex maray dagaal dhinaca saliidda ah, waxaana suuqyada caalamka ay kusoo fasaxeen saliid badan ayaga isku xumeynaya, taasi oo qiimaha saliidda dhulka gaysay.

Sacuudiga ayaa hoggaamiya ururka OPEC, halka Russia ay hoggaamiso dalalka aan xubnaha ka ahayn ururkaas ee saliidda soo-saara, waxaana labada dhinac la isku yiraahdaa OPEC+.

Waxay isku raaceen inay wax soo-saarkooda saliidda ka dhimaan 9.7 milyan oo barmiil maalinkii ama 10% guud ahaan wax soo-saarka caalamka, bilaha May iyo June, si qiimaha sare loogu qaado kadib markii cudurka Coronavirus uu hoos u dhigay qiimaha.

“Sacuudiga iyo Ruushka waxay hadda isku raaceen in heshiiskaas lagu daro bil kale oo dheeri ah,” waxaa sidaas yiri il-wareed ka tirsan OPEC oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

“Heshiiskan ayaa waxaa dhaqan-galkiisa shuruud ah in dalalkii aan u hogaansamin heshiiskii May ay dhimaan wax soo-saarkooda bilaha soo socda,” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -