Dowladda Mareykanka ayaa digniin culus oo heerkeedu yahay “Level 4: Ha u safrin” ka soo saartay xaaladda amni ee Soomaaliya, iyada oo si cad ugu digtay muwaadiniinteeda iney ay Booqdaan dalkaasi sababo la xiriira khataro badan oo amni iyo caafimaad ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in go’aankan cusub lagu saleynayo khataraha sii kordhaya ee la xiriira: denbiyada hubeysan, weerarada argagixisada, colaadaha gudaha, afduubyada, budhcad-badeeda, caafimaad-darrada, iyo sidoo kale adeeg la’aanta howlaha qunsuliyadeed ee joogtada ah.
“Shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya waxaa si buuxda looga mamnuucay in ay ka baxaan aagga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo safaaradda Mareykanku ku taallo.” ayaa lagu yiri Bayaan kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
Lama oga waxaa xiligan ku soo beegay digniinta ka soo yeerrtay Mareykanka ee xaalada Somalia