Weriye ka tirsan Idaacadda VOA oo la dhigay xabsiga Magaalada Baydhabo

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegay iney xabsiga u taxaabeen wakiil wareedkii Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) ee magaaladaas Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay galabta ka qabteen magaalada Baydhabo Weriye Catoosh ayna xabsiga dhigeen, iyadoo aan la shaacin, sababta loo xiray iyo waxa lagu heysto.

Hotel uu ku sugnaa oo ku yaala bartamaha magaalada Baydhabo ayaa la sheegay iney tageen Booliska halkaasoo uu ku sugnaa weriyaha waxayna ku xireen saldhiga Booliska magaalada Baydhaba.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo ku saabsan xariga Weriyaha VOA-da oo ku soo aadaya xili uu magaalada Muqdisho ku xiran yahay ku dhowaad muddo bil ah weriye kale oo aan la ogeyn waxa loo heysto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -