Allbanaadir.com
NEWS

Dal Afrikan oo iska indha tiray cudurka Caronavirus oo doorasho Madaxweyne ka bilaabatay

Dalka Brundi oo wali iska indha tiraya qatarta cudurka dunida ku faafaya ee Caronavirus ayaa maanta waxaa ka bilowday doorasho lagu soo dooranayo Madaxweynaha iyo xildhibaanada Baarlamaanka dalkaasi.

Doorashada ka dhaceysa dalka Brundi oo ah mid xasaasi ah ayaan waxaa ka qeyb galeyn Madaxweynaha talada dalkaasi ka degaya ee Pierre Nkurunziza, waxaana booskiisa xilkan u tartamaya musharax kale uu wato.

Goobaha doorashada ayaa la furay saakay 6-dii subaxnimo, waxaana safaf dhaadheer usoo galay in codadkooda dhiibtaan dad gaaraya 5.1 milyan oo qof oo isdiiwaan galiyay, waxa ayna dooranayaan Madaxweyne, Xildhibaano iyo golayaal deegaan.

Brundi Doorashada ka bilaabatay ayaa imaaneysa kadib shan sano oo  qalaalasooyin ka dhashay isku dayga Nkurunziza uu ku raadinayey in markii saddexaad la doorto, kuwaasi oo ay u dhinteen 1,200 oo qof, islamarkaana 400,000 ay ku barakaceen.

Dowlada Brundi ayaana dhaga ka fureesatay halista cudurka Caronvirus oo kiisas dhoor ah laga helay dalkaasi,mana jiraan wax xayiraad ah oo dowlada dadka kusoo rogtay sidoo kale dowlada ogolaatay in doorashada dhacdo xiligan adag.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaalida Holland oo taageero u muujiyay Guddoomiye cusub oo la doortay (VIDEO NEWS)

admin

Dacwad ka dhan ah Shirkad Ajnabi ah iyo maareeyaheeda oo loo gudbiyay Maxkamadda G/Banaadir

Cabdi Cade

Meydadka saddex ka mid ah la heystayaashii Israa’iil oo laga helay Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---