Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo War kasoo saartay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Caronavirus

Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 71 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,573 Xaaladood.

Bukaannada cusub oo 52 kamid ah rag yihiin , 19-na haween ayaa kala jooga Jubaland 46, gobalka Banaadir 17, Somaliland 6 iyo Puntiland 2Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 61.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 10 qofood taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 188.

Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta ka dhalata, sidoo kale qof kasta oo isku arka astaamaha lagu garto COVID19 uu tago xarumaha caafimaad ee loo qorsheeyay in lagula tacaalo cudurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Desalegn oo ka mid noqday rakaabkii u horeeyey ee u kala gooshay Addis ababa & Asmara (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada oo Dhagxaan Shub ah ku xirtay Isgooska Dabka ee Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo weji gabax kala kulmay kulankii danjiraha Maraykanka (Cadeyn)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---