Gaalkacyo: Oday 70 sano jir ah oo ka bogsaday cudurka Coronavirus (Sawirro)

Bukaankii ugu horreeyay ayaa maanta ka baxay xarunta Maareynta iyo Daaweynta ee Gaalkacyo, ka dib markii uu ka bogsaday fayraska “Corona.

Isu-duwaha Wasaarada Caafimaadka Puntland ee gobalka Mudug ayaa bukaanka gudoon siiyay shahaado muujinaysa inuu ka bogsooday Covid -19.

Ehelka bukaanka bogsaday oo 70 sanno jir ah ayaa u mahad-celiyay Wasaarada caafimaadka iyo dhakhaatiirtii gacanta ku hayay.

Dhaqaatiirta gacanta ku heysay aabahan jirka ah ayaa sheegay in markii loo keenayey uu u baahnaa ogsijiin ayna siiyeen,  iyagoo xusay in aabahan uu sidoo kale qabay cudurada daba dheeraada, sidaasoo ay tahayna uu nasiib wanaag ka badbaaday COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -