Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka saddex ka mid ah la heystayaashii Israa’iil oo laga helay Gaza

Ciidamada Israel ayaa ku dhawaaqay in ciidamada ka howlgala Gaza ay soo saareen meydadka labo askari iyo hal qof oo rayid ah oo ay qafaasheen Xamaas 7-dii October.

Askartan ayaa lagu kala magacaabi jiray Cpl. Nik Beizer oo 19 jir ah, Sgt. Ron Sherman oo 19 jir ah. Qofka rayidka ah ayaa magaciisa lagu sheegay Elia Toledano, waana 28 jir u dhashay Faransiiska balse haysta dhalashada Israel.

Beizer ayaa waxaa 7-dii October qabtay Xamaas markii ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla agagaarka Isgoyska Erez..

Sherman ayaa markii ugu dambeysay la hadlay hooyadiis subaxnimadii 7-dii Oktoobar, markaasoo xeradii ciidankiisa ay weerareen Xamaas.

Toledano oo ka mid ah la haystayaashii rayidka ahaa ee maydkiisa la soo saaray ayay ka kaxeysteen bandhig faneedka Supernova oo ka socday meel u dhow Kibbutz Oktoobar 7, halkaasoo in ka badan 360 qof lagu dilay.

Maydkiisa waxa laga soo saaray Gaza intii lagu jiray hawl-gal ay fuliyeen Qaybta 504 ee Agaasinka Sirdoonka Milliteriga, iyo Guutada 551-aad sida ay qoreen wargeysyada israel, lamana sheegin in la dilay ama ay ku dhinteen duqeymaha Yuhuuda.

Related posts

Khilaaf xooggan oo mar kale soo kala dhax galay Madaxweynaha Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed oo ku dhawaaqay go’aan ka farxiyey shacabka Itoobiya & Eritrea

Caydiid Ali

Madasha Xisbiyada oo ka digtay Dagaal sukeeye eedeymo culusna u jeedisay DF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---