Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaalida Holland oo taageero u muujiyay Guddoomiye cusub oo la doortay (VIDEO NEWS)

Munaasabad lagu qabtay  Magaalada Rotterdam ee dalka Holland, ayna ka soo qeybgaleen xubno ka mid ah hormuudka Soomaalida ee dalkaasi ku dhaqan, ayaa taageero loogu muujiyay Xuseen Khadhiib oo doorasho ka dhacay Kemer-Antalya 30-kii Oktoobar ee sannadkan loogu doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Ururada GalMudug ee Yurub ee magaceeda loo soo gaabiyo GEDAN 4-ta sanno ee soo socota.

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabiyeen Guddi uu horkacayay aqoonyahan Cali Yaxye ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Guddoomiyaha & Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Maxamed C/llaahi (Askari) & C/qaadir Cali (Nuune); Faadumo Faarax oo  agaasime ka ah Hay’adda Hirda,  Guddoomiyaha ururka Aasiya Ruqiyo Caddow, Zahra Siyaad Naaleeye oo madax ka ah waaxda arrimaha bulshada ee dalladda FSAN & xubno kale.

Guddoomiyaha dalladda FSAN Maxamed C/llaahi (Askari) oo ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuu soo dhoweynayo doorashada Xuseen Khadhiib loo doortay hogaanka GEDAN, isaga oo ku tilmaamay Guddoomiyaha GEDAN shaqsi horay loo soo tijaabiyay waxtarkiisa.

“Reer GalMudug waa dad astaan u ah Soomaalinimo, waxaa taas marqaati ka ah calanka GalMudug qeybta ugu badan waa qeybta buluuga ah, walaalkeey waxaan u rajeynayaa inuu ALLE ku asturo mas’uuliyadaas” Ayuu yiri Maxamed Askari.

“Xuseen Khadhiib waa shaqsi howlkar ah, GalMudug way u baahneyd, waxaan u balanqaadayaa inaan la garab taaganahay hiil & hoo intaba” Ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka FSAN C/qaadir Nuune.

Faadumo Faarax oo madasha ka hadshay waxeey dhinaceeda  sheegtay in kaalin weyn ay qaadan karaan qurba joogta haddii ay u soo jeestaan in ay dalka dib u dhiskiisa qeyb ka noqdaan.

Guddoomiyaha ururka Aasiya Marwo Ruqiyo Caddow waxey sheegtay in Guddoomiyaha GEDAN inuu yahay shaqsi ku suntan howlkarnimo, waxeyna ugu hambalyeeysay xilka culus ee loo igmaday.

Related posts

Banaan bax rabshado wata oo saakay mar kale ka bilowday magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Gabdho Soomaaliyeed oo walaalo ah kuna biiray Daacish oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si maamuus leh u qaabilay Axmed Burhaan Max’ed (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---