Amiirka Qadar oo amar ku bixiyay in Soomaaliya loo diro gar gaar caafimaad oo deg deg ah

Dowlada Qadar oo kamid ah dowladaha xiligan xiriirka dhaw la leh dowlada federaalka Soomaaliya ayaa gar gaar caafimaad iyo agab looga hortagayo faafitaanka cudurka caronavirus usoo direysa Soomaaliya.

Amiirka dalka Qadar, Tamim bin Xamad Al Thani ayaa ku dhawaaqay in dowladiisa Soomaaliya ka taageereyso dadaalada lagu xakameenayo caabuqa Caronavirus ee hada kusii faafaya gudaha Soomaaliya.

Amiirka ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo abaabulo gurmad caafimaad oo loo diro Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in dowladiisa ka qeyb qaadanayso dadaallada dowlada Soomaaliya kula dagaalamayso cudurka Caronavirus.

Dowlado ay hogaamineyso Turkiga ayaa Soomaaliya soo gaarsiiyay gar gaar isugu jira qalab caafimaad ay ku jiraan sheybaaro, qalabka neefsashada iyo agabka looga hortago cudurka Caronavirs .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -