Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo howlgal ka sameeyay Deegaano ku dhaw dhaw Jamaame (Sawirro)

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo ay wehliyeen ciidamo katirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheesan waxa ay ka sameeyay deegaano ay maamulaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Telefishinka maamulka Jubbaland ayaa baahiyay in ciidamada huwanta ah ay howlgal ka sameeyeen deegaano ku dhaw dhaw degmada Jamaame halkaas oo gacanta ay ku hayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Mid kamid ah Saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa sheegay in hawlgalkan uu wali socdo, waxa uuna cadeeyay in howlgalka sii wadayaan ilaa laga sifeynayo Al-Shabaab guud ahaan deegaanada webiga Jubba ku teetsan.

Waxa uu sheegay sargalkan in howlgalka ciidanka sameeyeen Al Shabaab lagu gaarsiiyay qasaaro kala duwan, waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada wadooyinka qaar kasoo saareen miinooyin lagu aasay.

Howlgalkan ay sameeyeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili maanta Al Shabaab weeraro xoogan ku qaadeen saldhigyo ciidanka dowlada ku leeyihiin gobolada Shabeelaha Hoose iyo Jubadda Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: R/W Khayre oo ka qeyb galay Xuska Sannad guuradii 48-aad ee Ciidanka Asluubta

Cabdi Cade

Shil Khasaare geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Muxuu Cali Guudlaawe ka qabanayaa Raage Ceelle? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---