Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne saadaalin ka bixiyay tirada dadkiisa ee u dhimanaya Caronavirus

Dalka Mareykanka ayaa hogaaminaya dadka ugu badan ee u dhintay cudurka Caronavirus iyo waliba kuwa uu ku dhacay, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada inta hada la ogyahay ay kasii bataan.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, oo ka hadlay qatarta Mareykanka kasoo gaareysa Cudurka Caronavirus ayuu saadaaliyay in dad gaaraya 100,000 oo qof oo Mareykan ah ay u dhiman doonan cudurka Cornavirus

Madaxweyne Trump ayaa iska diiday in maamulkiisa ku guul dareestay wax ka qabashada cudurka safmarka ah ee Caronavirus, waxa uuna tilmaamay in maamulkiisa dadaal badan ku bixiyay xakameynta cuurkan.

Dalka Mareykanka waxaa cudurka Caronavirus ugu dhintay Dad ka badan 67,000 oo qof ,waana dalka ilaa hada hogaaminaya tirada dadka ugu badan ee cudurkan ku dhintay guud ahaan caalamka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sudan oo si kulul uga falcelisay talaabo ay qaaday Kenya

Caydiid Ali

Robotka Sophia oo ugu dambeyn la kulantay raisul wasaare Abiy Axmed (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo ka hadashay Saameynta ka dhalatay Duqeymaha Mareykanka wado

Cabdi Cade
Taboola Ads ---