Wararkii Ugu Dambeeyay magacaabista Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada Galmudug

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmuug ayaa sheegaya in saacadaha soo socda laga yaabo in Madaxweynaha Galmudug soo magacaabo Wasiiru Dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa wada wadatashiyadii ugu dambeeyay ee magacaabista Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada uu yeelanayo maamulkiisa.

Sida aan wararka ku helnay xubanaha uu xushay Madaxweynaha Galmudug ayaa u badan dhalinyaro aqoonyahano ah uu doonayo in uu ku xoojiyo golaha Wasiirada ayna ka duwanaadaan wasiiradan kuwii hore Galmudug.

Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ku cadaadinaya in xubno iyagu wataan kusoo daro wasiir kuxigeenada uu magacaabayo.

Madaxweynaha Galmudug oo cadaadis kala kulmay qaar kamid ah beelaha dega Galmudug oon saami fiican ka helin Wasiiradii uu dhawaan soo magacaabay ayuu ku qancinayaa Wasiir kuxigeeno iyo Wsaiiru Dowlayaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -