Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay iyo faahfaahino ka soo baxaya

- Advertisement -

Wiil dhalinyaro ah ayaa maanta kooxo bastoolado ku hubeysan  waxay ku dileen Xaafada KPP oo ka tirsan degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Marxuum Cabdalla Maxamed Maaxi ayaa xilliga la dilayay waxa uu kasoo baxay Masaajid uu ku soo dukaday salaadii Jimcaha sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay inkastoo aysan ku guuleysan inay qabtaan raggii ka dambeeyay dilkaas oo baxsaday.

Wiilkan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyarada ku nool degmada Afgooye, balse Muqdisho u yimid waxbarasho, welina ma cadda sababta loo dilay iyo cida ka dambeysay.

Inkastoo dilalka loo geysto askarta iyo dadka kale ee dowlada u shaqeeya ay sheegtaan kooxda Al-shabaab, haddana mararka qaarkood waxaa dhaca dilal loo geysto dad shacab ah oo aan xiriir la laheyn dowladda, kuwaasoo aysan jirin cid ka jawaabi karta su’aalaha ka dhasha dilkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -