Madaxweyne caan ah oo dalbaday Daawo dhireed uu sheegay in lagu daweyn karo Caronavirus !!

Cudurka Caronavirus ee kusii faafaya dunida ayaan wali si rasmi ah loogu helin daawo rasmi ah oo ka daweeneysa dadka uu ku dhaco, waxaana dhaqaatiir iyo shirkado waa weyn ku hoolan yihiin sidii daawo iyo talaal loogu heli lahaa cudurkan dunida dhibaateeyay.

Madaxweynaha dalka Tanzania, John Magufuli, ayaa kamid ah dadka aaminsan in cudurkan lagu daweyn karo daawo dhireed, waxa uuna Madaxweynaha sheegay in dowladiisa ka wardooni doonto daawo dhireedka cudurkan u roon.

John Magufuli,ayaa sheegay inuu diyaarad u diro doono dalka Madagascar si halkaa uu uga soo dhoofsado sharoobo daawo dhireed ah oo la sheegay inay waxtar u leedahay dadka uu ku dhaco fayraska Corona.

” Wadahdal ayaa inoo socdo Madagascar, waxay ii soo direen warqad ay ku leeyihiin daawo ayaan u henay coronavirus. Waxaan direynaa diyaarad inoo keenta daawadaasi si ay Tanzania uga faa’iideysato.”, ayuu yiri Magafuli.

Hogaamiyaal badan oo Afrikan ah ayaa aaminsan in daawo dhireed lagu daweyn karo cudurka Caronaviris, hasa ahaatee Hay’adda WHO ayaa ka digtay daawooyinka la isticmaalayo, waxa ayna sheegtay in aysan jirin daawo rasmi ah oo cudurkan loo helay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -