Saddex Waxyaabood oo Muhiim kuu ah oo lagu soo kordhiyay Isticmaalka WhatsApp

Baraha bulshada kuwada xariiraan ayaa muddooyinkan dambe isbadalo waa weyn lagu sameenayay, waxaamna shirkadaha iska leh baraha bulshada ku dadaalayaan xaqiijinta ammaanka barahooda.

Shirkadda Meta ee leh WhatsApp ayaa markan soo kordhisay qaabab cusub oo wax tar u leh macaamiishooda, waxaana xal u heleyn in dadka ka bixi karaan guruubyda lagu soo daro iyada oon la dareemin.

WhatsApp ayaana lagu soo kordhiyay qaab cusub aysan arki karin dadka kale qofka ka baxaya guruubka uu ku jiro, waxaana horey qofka ka baxaya guruubka wada arki jiray dhammaan dadka kale ee ku jira halkaasi, taa oo dadka qaar ceeb u arki jireen.

Waxyaabaha kale ee lagu soo kordhiyay WhatsApp ayaa waxaa kamid ah in dadku ku arkaan in aan Online tahay ama aad ku jirto WhatsApp, iyo weliba in aan la sawiran karin (screenshot laga qaadan karin) farriimaha la isugu diro bartan.

Milkiilaha shirkadda Meta ay hoostagto WhatsApp Mark Zuckerberg ayaa sheegay in qaababkan cusub ay soo kordhiyeen goob ammaan ah ka dhigeyso WhatsApp , lana mid ah in dadku waji waji in ay uwada joogaan oo kale.

Sidoo kale Ami Vora oo kamid ah madaxda WhatsApp ayaa sheegtay in ujeedkoodu yahay sidii ay macaamiishooda u siin lahaayeen awood dheeraad ah oo ay ku xakameeyaan cidda hesha farriimaha ay diraan.

Dadka isticmaalka WhatsApp ayaa qaarkood dhibaato ku qabay in fariimaha ay dadka kale is dhaafsadaan in laga qaato (Screenshot ama la sawirto), hasa ahaatee waxaa hadda meesha ka bixi doonta qaabkaasi ay dad badan dhib ku qabeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -