Dowlad sheegtay in ay heyso cadeymo la xariira in cudurka Covid-19 ka soo unkamay sheybaar ku yaala..

Dowlada Mareykanka ayaa mar kale sheegtay in ay heyso cadeymo la xariira in cudurka safmarka ah ee Caronavirus uu kasoo unkumay sheybaar kuyaala magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo ah meeshii ugu horeesay ee cudurkan lagu arkay.

Xog-hayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa shaaca ka qaaday in ay hayaan cadeymo waa weyn oo muujinaya in cudurka Caronavirus kasoo unkumay sheybaar kuyaala magaalada Wuhan.

Mike Pompeo ayaan Warbaahinta usoo bandhigin cadeymaha uu hayo ee ku aadan in cudurkan kasoo ifbaxay sheybaarka kuyaala Shiinaha, waxa uuna xusay in dowlada Shiinaha wax badan arintan ka ogtahay balse qarineyso.

Dhinaca kale xafiiska agaasimaha guud ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegay in ay weli baarayaan sida uu fayraskan ku bilowday balse ay ogaadeen in Covid-19 uusan ahayn wax uu qof sameeyay ama unugyadiisa la farsameeyay.

Dowlada Shiinaha ayaana marar badan beenisay eedeymo uga yimid dowlada Mareykanka oo ku aadan halka uu ka yimid cudurka Caronavirus iyo faafitaankiisa, waxa ayna Shiinaha eedeymaha Mareykanka ku tilmaantay been abuur la siyaasadeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -