Magaaladii uu ka soo bilowday Coronavirus oo xanibaada laga qafiifiyey (Sawirro)

Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha aheyd halkii ka soo bilowday cudurka Coronavirus ee ku sii faafaya caalamka ayaa muddo laba bilood kaddib maanta laga qafiifiyey xayiraadii saarneyd

Rakaab tira badan oo alaabo wata oo maanta ka soo degaya tareennada ayaa si weyn warbaahinta dalkaasi ay u soo tebisay.

Waxay wararku sheegayaan in shacabka loo oggolaaday iney soo galaan balse waxaan loo oggoleyn iney ka baxaan.

Magaalada Wuhan oo ah caasimadda gobolka Hubei waxaa laga helay in ka badan 50,000 oo kiis. Waxaana cudurka magaaladsaasi ugu dhintay dad ka badan 3,000 oo qof, iyadoo tirada dadka cusub ee cudurka qaadaya iyo kuwa u dhimanaya ayaa marba marka ka dambeysay hoos u soo dhaceysay.

Wararka maanta ka soo baxaya magaalada Wuhan waxaa kale oo ay sheegayaan maanta oo Sabti ah oo keli ah in laga helay 54 kiis oo cusub oo dhammaantood lagu sheegay iney yihiin dad dibadaha ka soo galay dalka Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -