Wasiir Goodax oo jawaab kulul ka bixiyey warar ay faafiyeen Xildhibaano ka tirsan DF

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay sababaha ay Wasaaradiisa dib ula wareegeyso iskuulka 15-May oo uu gacanta ku hayey guddiga waxbarashada reer Masar.

Wasiir Goodax ayaa beeniyey warar ay baraha bulshada ku qoreen xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo sheegayay in sababta dawladdu ula wareegtay dugisga 15 May ay ka dambeysay amar ka yimid dawladda Itoobiya.

“Waan arkayay baraha bulshada iyo baraha internet-ka arrimaha Soomaalida ka hadlo xildhibaanno ka hadlaayo, aniga xildhibaannadaas, xildhibaanno siyaasadda ka dhacay oo dowladnimada iyo wadaniyadooda ay aad u hoosayso ayaan aaminsanahay inay yihiin”. ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre.

Mr Goodax ayaa sheegay in go’aanka Iskuulkaas ay ula wareegaan uu yahay mid ay ugu daneynayaan shacabka Soomaaliyeed.

“In go’aan iskuul ku yaal Xamar oo aan dadkeenna ugu danaynayno oo aan howlaheenna ku qabsanayno ay yiraahdaan dowladda amar ayaa meel laga soo siiyay waa u wadaninimo xumo waana u dadnimo xumo. Waxay rabaan oo kale ha sameeyaan laakiin inay tacliinta siyaasadeeyaan waa wax aad loola yaabo” ayuu yiri wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -