Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Xiliga la qabanayo doorashada Gudoonka Baarlamanka K/Galbeed oo la shaaciyey

Guddiga doorashooyinka Baarlamanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay shuruudaha musharaxiinta iyo xiliga la qabanayo doorashadda Guddoonka Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay shuruudaha iyo xiliga ay dhaceyso doorashada kaasoo sidan u qornaa:-

1-Musharixiinta waxay araajidooda ku hagaajinayaan guddi hoosaadka diiwaangelinta Musharixiiinta oo uu madax ka yahay Xildhibaan Jookar.

2-Musharaxa ka tirsan Golaha Wasiirada waa inuu soo gudbiyaa warqad caddeyneysa iscasilaadda marka uu isdiiwaangelinayo.

3-Lacagaha Diiwaangelinta waxaa lagu soo shubayaa Koontada Bangi ay dib ka soo sheegi doonaan Xubnaha Guddiga.

4-Isdiiwaangelinta Musharixiinta waxay socon dooontaa 29-ka ilaa 30-ka oo ku kala beegan berri oo Axad ah iyo Isniinta.

5-Doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed waxay dhici doontaa 1-da April oo ku beegan Arbacada soo socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Video) Dagaal weyn oo laga baqayo in uu aduunka ka dhaco iyo Wararkii ugu danbeeyay 24 ka saac ee Somaliya!!

admin

RW Rooble oo ka hadlay deynta Maraykanku ka cafiyey dowlada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Musharax xabsi ku jira oo qarka u saaran inuu ku guuleysto doorasho Madaxweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---