Hay’adda Gift of the Givers oo 500 oo qoys kaalmo ugu qeybisay Belad-weyne (Sawirro)

Hay’adda Gift of the Givers oo ka mid ah heyadaha samafalka ee dalka ka howlgala ayaa kaalmo ballaaran gaarsiisay boqolaal qoys oo ka mid ah ah dadka ku barakacay Fatahaadihii dhowaan webiga Shabelle uu ka sameeyey Magaalada Belad-weyne ee gobolka Hiiraan.

Deeqdan oo ka koobneyd raashiin kala nooc ah oo isugu jiray Bur, Bariis, Sonkor iyo agab kale oo ay ka mid ahaayeen Maro-kaneeco iyo bacda roobka laga galo ayaa waxaa ka faa’iideystay illaa 500 oo qoys oo ka mid ah shacabkii ay saameynta adag ku yeelatay fatahaadaha Belad-weyne.

Saciid Ibraahim Xuseen (BUUNA) oo kamid ah masuuliyiinta Hay’adda Gift of the Givers ayaa faahfaahin ka bixiyay deeqda ay maanta gaarsiiyeen shacabka reer Belad-weyne qaarkood iyo howlaha kale heyaddu ka wado gobolka.

“Heyadda Gift of the Givers waxay ka mid tahay heyadihii sida deg dega ah ugu soo gurmaday shacabka Magaalada Belad-weyne ee ay asiibeen fatahaadaha, waxaana magaalada Belad-weyne ka socda howlo Caafimaad oo heyaddu wado, sidaasoo ay tahayna waxay garatay baahida loo qabo in dadka laga caawiyo nolosha, waxayna deeqdan raashiinka ugu talo gashay illaa 500 oo qoys” ayuu yiri Saciid BUUNA oo balan-qaaday iney heyaddu sii wadeyso kaalmada bani’aadamnimo ee ay ka wado Belad-weyne iyo qeybaha kale ee dalka.

Duqa Magaalada Baladweyne Safiyo Xasan Shiikh oo Munaasaabada qeybinta deeqdaas hadalo ka jeedisay ayaa u mahad celisay Heyadda Gift of the Givers oo garab istaag u muujisay shacabka dhibaateysan ee magaalada Belad-weyne, iyadoo ugu baaqday iney halkooda ka sii wadaan dedaalkooda.

“Heyadda Gift of the Givers iyo kuwa la midka ah taariikhda ayaa xusi doonta sida hagar la’aanta ah ee ay gurmadka ugu fidiyeen shacabka dhibaateysan ee Magalada Belad-weyne” ayey tiri Safiyo Xasan Shiikh.

Qaar ka mid ah dadkii danyarta ahaa ee ka faa’iideystay deeqdan ayaa mahad celin iyo duco iskugu daray heyadda Gift of the Givers, iyagoo xusay in deeqdan ay ku soo beegantay xili ay baahi weyn u qabeen, ayna si weyn ugu farxeen.

Munaasabada qeybinta deeqdan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka haweenka iyo Xaquuqul insaanka ee Maamulka Hirshabelle iyo xubno ka socday Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Hayadda Gift of the Givers oo xarunteeda dhexe ay ku taalo dalka Koonfur Afrika ayaa ka howlgasha dalal badan, waxayna koonfurta Somalia ka shaqeyneysay sanado badan iyagoo gurmadyo kala duwan gaarsiiyey qaar ka mid ah gobolada dalka oo ay ku dhufteen masiibooyin dabiici ah oo isugu jira fatahaado, abaaro iyo kuwo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -