Magaca iyo sawirka ninkii tooreyda ku dhaawacay Salman Rushdi (Sawirro)

Booliska Mareykanka ayaa xiray tuhmane lagu magacaabo Hadi Matar oo 24 jir ah, kana yimid degaanka Fairview, New Jersey, wax yar ka dib markii uu ku orday Masrax lagu wareysanayay Mr Rushdie Machadka Chautauqua ee galbeedka New York.

Rushdie ayaa ugu yaraan hal toorey looga dhuftay qoorta iyo caloosha, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Booliiska ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in shaqaalaha iyo xubnihii goobta joogay ay ku xireen qofka weerarka geystay halkii arrintu ka dhacday oo waliba ay figeen inta ay dhulka dhigeen.

Muslimiin badan ayaa ka carooday buugga Salmaan Rushdi, waxay sheegeen in buugga meel uga dhacay Rasuulka (N.N.K.H.H) iyo diinta Islaamka.

Salman waxaa loogu hanjabay dil, waxay hanjabaddaas ku khasabtay inuu galo dhuumaleysi, dowladda Britain ayaa si weyn u ilaalineysay ammaanka Salmaan.

Iran waxay xilliggaas xiriirka u jartay dowladda UK iyadoo ka careysneyd buugga Salman.Hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini, ayaa soo saaray Fatwo uu ku baaqayay in la dilo Salmaan sanadkii 1989- sanad kadib markii buugga la daabacay.

- Advertisement -