(Sawirro) Dr. Biday oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed

Shirwaynihii 3aad ee Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay hogaanka cusub ee ururka oo ka kooban Gudoomiye iyo labadiisa ku-xigeen

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda Jaamacadaha xubnaha ka ah Ururka oo ka kala yimid Magaalada Muqdisho iyo dhamaan gobolada dalka.

Codbixinta doorashada hogaanka cusub ee ururka oo aheyd mid qarsoodi ah oo ay isku soo taageen musharaxiin badan ayaa Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Bidey) waxaa uu ku guulaystay xilka Guddoomiyaha Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed afarta sano ee soo socota.

Sidoo kale, xubnaha ururka ayaa Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Jaamacadaha u doortay Dr. Hassan Mohamed Hassan oo ah Guddomiyaha Jaamacadda Plasma, halka Guddoomiye ku-xigeenka labaad uu ku soo baxay Abdirizak Ismail Muxumad oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Kismayo.

Gudoomayaha xilka ka degaya ee Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed Daahir Xassan Carab ayaa ugu hambalyeeyey Dr. Biday xilka culus ee loo doortay, isagoo balanqaaday iney la shaqeyn doonaan, wuxuuna ALLE bareyey inuu la garab galo xilka loo doortay.

Guddoomiyaha cusub ee Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Bidey) oo Munaasabada khudbad ka jeediyey ayaa xubnaha ururka uga mahad celiyey xilka culus ee ay doorteen, isagoo balan-qaaday inuu ka shaqeyn doono mudada uu xilka hayo horumarinta iyo tayeynta tacliinta sare ee dalka iyo xal u helida caqabadaha soo wajaha Jaamacadaha.

Shirweynahan ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay ajendayaal muhiim ah iyadoo masuuliyiinta Jaamacadaha dalka ay isku dhaafsadeen fikrado iyo doodo la xiriira iskaashiga iyo sare u qaadida aqoonta iyo tayada Jaamacadaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -