Senator laamaha amniga u gacan geliyey askari ka tirsanaa ilaaladiisa oo dil geystay

Senoter Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo ka tirsan Aqalka Sare Baarlamanka Soomaaliya ayaa talaabo adag ka qaaday askari ka irsan Ilaaladiisa oo maanta Dhuusamareeb ku dilay Wiil dhalinyaro oo ka mid ahaa dadka degaanka.

Senotor Dhagey ayaa tacsi u diray qoyska, Ehelada uu ka baxay Marxuum Shaafici Xaaji Diiriye oo ahaa wiilka dhalinyarada ahaa ee la dilay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Senoter Yuusuf Geelle Ugaas sheegay in laamaha amniga dowladda uu ku wareejiyay Askarigii dilay Marxuum Shaafici Xaaji, si cadaalada loo mariyo.

“ILAAHAY ha u naxariisto shaafici Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday maanta Dhuusamareeb, waxaan kaga tacsiyeeynayaa geerida Marxuumka, qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn waxaan cadeeynayaa in aan hay’adaha amniga ku wareejiyay falkaas foosha xun cidii u geysatay marxuumka, si cadaalada uu wajaho” ayuu yiri Senotar Dhagey.

Talaabada uu qaaday senator Dhagey ayaa waxaa soo dhoweeyey qeybaha bulshada ee magaalada Dhuusamareeb iyo ehelada marxuumka la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -