Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kenya oo laga helay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka Coronavirus

Dowlada Kenya ayaa diiwaangelisay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya dalalka caalamka qaarkood.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Kenya, Mutahi Kagwe, ayaa goor dhaweyd shaaciyay in qof qaba xanuunka Corona laga helay dalkiisa.

Haweeneyda cudurka lagu arkay ayaa la sheegay inay ka timid Maraykanka, soona martay London, waana markii ugu horeysay ee qof qaba cudurkan lagu arko Geeska afrika.

Wasiirka ayaa sheegay in haweeneyda ay hadda xaaladeeda caafimaad wanaagsan tahay, laguna sii heyn doono isbitaalka ilaa iyo inta ay ka caafimaadeyso.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dabagal ku samayn doonto dhammaan dadkii la kulmay haweeneydaasi tan iyo markii ay soo laabatay kuwasoo laga yaabo iney qaadeen cudurkan.

Coronavirus ayaa haddii uu ku sii faafo Kenya saameyn ku yeelan kara dalalka la deriska ah oo ay ku jirto Somalia oo dalkaas la leh xiriir ganacsi iyo isdhexgal bulsho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo iyo tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe iyo Xaaladda Eng Yariisoow oo …

admin

(Sawirro) Markab ay saaran yihiin kumanaan dalxiise oo Coronavirus uu ka dilaacay

Caydiid Ali

Qoys Tanaadnimada ka doorbiday inay Tuugsadaan iyo hal arrin oo Sabab u noqotay!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---