Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shirka Bangiga horumarinta Islaamka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo dhawaan gaaray Dalka Algeria ayaa ka qeyb galay xalay furitaanka Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo Sanadkan lagu qabanayo Magaalada Algiers ee caasimadda Dalka Algeria.

Shirkaan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa  si rasmi ah u furay Ra’isul Wasaaraha Dalka Algeria Mudane Nadir Larbaoui, iyada oo shirka ay ka soo qeyb galeen dhammaan Wasiirada iyo Safiirada malatalayay Dalalka Islaamka iyo kuwa kale ee xubnaha ka ah Bangiga horumarinta Islaamka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa  ka qeyb galaya shirarka loo dhanyahay ee Bangiga H. Islaamka iyo kulamada gaarka ah ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka oo Dowladda Soomaaliya ay galisay dadaal dheer sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo dhinacyo badan ah ah.

Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) waxa uu ka mid yahay saaxiibada sida gaarka ah u taageera Dowladda Soomaaliya, sidoo kale gabagabada shirarka Bangiga ayaa la filayaa in ay ka soo baxdo natoojo muhiim ah ah din-u-habeynta dhaqaalaha iyo maalgalinta mashaariicda horumarineed ee Dalka.

Related posts

Wasiir Cawad & danjire Mehmet Yilmaz oo ka wada hadlay labo qodob (Sawirro)

Caydiid Ali

Shaqaalihii Waaxyaha maamulka Dhuusomareeb oo dhammaan shaqada laga eryay (Wareegto)

Cabdi Cade

Rooble oo u laab qaboojiyey Mucaaradka & Laftagareen oo weeraray Xasan Shiikh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---