Gaas oo rajo xumo ka muujiyey in sanadka 2021 ay dalka ka dhacdo doorasho

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa walaac xooggan ka muujiyay doorashada Soomaaliya ee la filayo in sanadka 2021 ka dhacdo dalka, isagoo sheegay inaysan xiligan u muuqan inay doorasho ka dhaceyso dalka xiligii loogu talo galay.

Gaas oo sidoo kale Raisul Wasaare ka soo noqday dowlada federaalka ayaa ugu baaqay madaxda dowladda haddii aysan 2021 qaban karin doorasho qof iyo cod ah in talo guud la isugu yimaado oo laga tashado haddii nidaamkii hore dib loogu laabanayo iyo in kale.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in xiligan dowladda Federaalka laga doonayo inay qaado talaabo ay ku dhici karto doorasho xalaal ah, isagoona ka digay in arrintaas laga cagajiido si muddo kororsi loo sameysto.

Hadalka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa imaanaya xili guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Soomaaliya uu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, inkastoo si weyn loo aaminsan yahay in doorasho noocaas ah aysan ka dhici karin dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -