Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Qarax Khasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamo Kenyan ah

Ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya oo marayay Deegaanka Lafey ee hoos tagta degmada Mandheera ayaa lagu weeraray qarax Miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay, waxaana qaraxaasi ciidamada Kenya kasoo gaaray Khasaaro.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qarax ku bur buriyeen mid kamid ah gaadiidka dagaalka ay wateen ciidanka Kenya, waxa ayna Shabaab sheegeen in qaraxaasi uu ciidanka kasoo gaaray Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac.

Sargaal katirsan booliiska dalka Kenya ayaa dhankiisa qiray jiritaanka qaraxan lala eegtay ciidankooda, waxa uuna sheegay sargaalkan in qaraxaasi kaga dhaawacmeen shan askari balse aysan jirin khasaaro dhimasho.

Al Shabaab ayaa kordhisay qaraxyada miino ay ku weeraraan gaadiidka ciidanka Kenya ee isticmaala wadooyinka gobolka Waqooyi bari, waxaana inta badan ciidanka la qarxiyo yihiin ciidamo booliis ah oo kuwa ku jira roondooyin amaanka lagu sugayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar Soomaaliyeed oo guul weyn ka gaartay Is-reeb-reebka Feerka Olombikada Aduunka

Cabdi Cade

Mareykanka oo soo saaraya amarro culus oo dhanka dadka Tahriinka ku galaya

Cabdi Cade

Haweeney Soomaali ah oo walaalkeed oo 13 jir ahaa ku dishay dalka Kuwait

Caydiid Ali
Taboola Ads ---