Markab sida saanad Milateri oo ku soo xirtay dekeda Baraawe (Daawo Sawirro)

Markab sida saanad ay leeyihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku soo xirtay dekeda dabiiciga ah ee magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Markabkan oo ah mid aad u weyn oo ay saaran yihiin kontaynaro laga soo buuxiyey xamuul badan ayaa bilaabay inuu dejiyo qalabka uu wado.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose Ibraahim Cali Aadan (Najax) oo ku sugan degmada Baraawe ayaa ka hadlay markabkan yimid.

“Markab sida saadka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Walaalaha AMISOM ayaa ku soo xirtay Baraawe Waxaana suurageliyay arintan Nabada iyo horumarka ka jira Baraawe” ayuu yiri gudoomiye Najax oo aan cadeynin halka uu ka yimid markabkan.

Markabkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ku soo xirta Baraawe tan iyo markii dhowr sano ka hor ciidamada dowlada iyo AMISOM ka saareen xoogagii Al-shabaab ee halkaas maamulayey.

dhinaca kale, Mar uu ka hadlayey dhismaha garoonka dayuuradaha Baraawe ayuu sheegay guddoomiye Najax in la bilaabayo dhowaan, ayna ku howlan yihiin cabashooyin ka yimid dadka degaanka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -