Suudaan, waxay markii u horreysay soo bandhigtay macluumaad la xiriira weerarkii 4 bishan May, ka dhacay magaalada Port Sudan oo iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn qaraxyo weyn ay ka dhaceen dekedda, garoonka diyaaradaha , saldhigyo milatari iyo hoteello ay deganaayeen diblomaasiyiin shisheeye oo ku yaalla magaalada Port Sudan.
Safiirka Suudaan u fadhiya Qaramada Midoobay , Al-Harith Idris ayaa faahfaahinta uu maanya weerarka ka soo bandhigay wuxuu ku sheegay in Imaaraadka uu si toos ah weerarkan u fuliyay, isagoo adeegsanaya saldhigyadiisa badda cas, isla markaana taageerro dhanka saadka ah ka helaya maraakiib ku sugan badda cas. Weerarka waxaa sheegay in lagu fuliyay diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka uu soo saaro ee MQ-9 Reaper.
Muxuu u fuliyay Imaaraadka weerarkan?
Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobay , Al-Harith Idris , wuxuu ku sharraxay sababta Imaaraadka Carabta ku qasabtay in weerar toos ah ka fuliyo gudaha Suudaan, inay ka dhalatay kaddib markii 3 bishan May, weerar ay milatariga Suudaan ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Nyala ee gobolka Darfuur uu sheegay dadka lagu dilay inay ku jireen askar ka tirsan ciidanka Imaaraadka oo la socday diyaarad goobtaa lagu qarxiyay oo saad u siday kooxda RSF.
Illaa hadda Abu Dhabi , kama jawaabin eedeymaha uga yimid Suudaan , oo bartimihii bishan xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Imaaraadka.
Haddii ay Suudaan caddeymo ka soo bandhigto adeegsiga diyaaradda Mareykanka soo saaro ee MQ-9 Reaper, markaa Abu Dhabi waxay kala kulmi kartaa cunaqabateyn Mareykanka.