Allbanaadir.com
NEWS

Guddi kormeeray garoonka Aadan Cadde kaddib cabasho soo yeertay

Xubnaha Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa iyagoo gudanaya waajibaadkaooda dastuuriga ah ee korjoogteynta iyo la-xisaabtanka, waxay kormeer iyo korjoogteyn kusoo sameeyeen Gegida diyaaradaha Caalamiga ah ee Adan Cadde, waxaana xubnahan hogaaminayay Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geelqaad).

Guddiga ayaa kormeerka ka dib kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo uu ugu horreeyo Wasiirka wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Nuux Wasiiru-dawlaha, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda iyo sidoo kale Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahaa in Guddigu u kuurgalo xaaladda dhabta ah ee xagga amniga garoonka, adeegga uu garoonku qabto iyo guud ahaan badqabka diyaaradaha ka hawl gala dalkeenna.

Guddiga oo ay weheliyaan masuuliyiinta Wasaaradda iyo Garoonka ayaa sidoo kale kormeeray qeybaha duulimaadyada caalamiga iyo kuwa gudaha ee garoonka oo ay warbixino ka dhageysateen mas’uuliyiinta iyo howlwadeenadda ku shaqada leh.

Guddoomiyaha guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geelqaad) ayaa sheegay in ujeedka kormeerkoodu ahaa sidii wax looga qaban lahaa cabashada ka timaadda garoonka xilliyada roobabka da’aan, waxaana hoosta laga xarriiqay muhiimadda ay leedahay in garoonku noqdo mid hawl gala xilli kasta islamarkaana lala xisaabtamo shirkadda maamusha garoonka ee FAVORI LLC oo ah shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Related posts

Heshiiski ku biirista Soomaaliya ee Ururka bariga Afrika EAC oo su’aalo laga keenay

Caydiid Ali

Shiinaha oo qaatay go’aan wadnaha gooyey Shirkada Boeing

Caydiid Ali

Somalia iyo Turkiga oo heshiis cusub kala saxiixday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---