Guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan golaha Wasiirrada iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Federaalka ah, ayaa bilaabay kulamo loogu diyaar garoobayo qabsoomidda gogosha Qaran ee uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubnaha guddiga ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay wakiillo ka socda ururada bulshada rayidka ah, waxa ayna kala tashteen sidii loo wajihi karo gogosha siyaasadeed uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo sida looga mirodhallinkaro gogoshaasi.
Bulshada rayidka ee maanta la kulmay guddigan ka socday dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna xubnaha ay la kulmeen bulshada rayidka la wadaageen tallooyin ku aadan qabsoomida gogosha iyo cidda ay tahay in lagu casuumo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Macamuud, ayaa fidiyay gogol siyaasadeed , waxaana gogoshaasi si weyn usoo dhaweeyay inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeedna, gaar ahaan kuwa mucaaradka oo caddeeyay in gogoshaasi ka qeyb galayaan haddii aan shuruud lagu xirin.
Gogosha Madaxweynaha fidiyay ayaa xilligii la filayay waxa uu ku baaqay shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo kaliya kasoo qeyb galeen maamulada muxaafidka, waxa uuna Madaxweynaha iyo maamulada taabacsan ku dhawaqaeen xisbi ay ku mideysan yihiin taa oo shaki badan abuurtay.
Siyaasiyiinta mucaaradka, ayaan la ogeyn sida ay u aqbali karaan gogosha Madaxweynaha ku baaqay ee hadad qaban qaabadiisa socoto, waxa ayna siyaasiyiinta mucaaradka kahor yimaadeen qorshaha lagu dhisay xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com