Trump oo mar kale lugaha la galay dhiiqo siyaasadeed iyo cambaareyn loo jeediyey

Afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka Nancy Pelosi ayaa mar kalr Madaxweyne Donald Trump ku eedeeysay “weerar takoor ah” kaddib qoraal uu Madaxweynuhu ku qoray twitter kiisa Kuna saabsanaa xildhibaan kasoo jeeda Africa.

Trump ayaa weeraray Wakiil ka tirsan xildhibaan ka tirsan xisbiga dimoqraadiga Elijah Cummings iyo magaaladda laga soo doortay ee Maryland.

Madaxweynaha ayaa magaaladda waxaa uu ku tilmaamay meel wasaq ah oo qashinka iyo cayayaanku buuxaan. Waxaana uu hadalkiisa ku daray in mudanaha ka tirsan Aqalka Wakiiladda ee Cummings uu cambaareyn joogto la beegsanayo sida loola dhaqmo muhaajiriinta kasoo galay xadka Mexico.

Elijah Cummings waxaa uu gudoomiye u yahay guddiga qiimeynta ee Golaha wakiiladda waxaan uu si is xig-xigtay u baaray siyaasadaha Trump iyo meelaha muhaajiriinta lagu xiro.

Golaha uu ka tirsan yahay ee Congress-ka iyo Afhayeenkooda ayaa si wadajir u cambaareynaya Madaxweynaha iyo hadalkiisa ay u arkaan midab takoorka.

Mar kale ayuu lugaha la galay mashaqo siyaasadeed Madaxweyne Trump kadib markii uu Todobaad ka hor sidaan oo kale u weeraray Afar Gabdhood oo xisbiga dimoqaraadiga ka tirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -