Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macawiisleyda, ayaa weerar qorshaysan ku qaaday kooxda Al Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah ee u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaan Garas Magan oo kamid ah degaanada u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellha dhexe, halkaas oo ciidamadu si toos ah ugu beegsadeen maleeshiyaadka Al Shabaab oo isku uruursanayay.
Ciidamada huwanta ah ee xoogga dalka iyo kuwa macawuusleyda, ayaa howlgalka ay fuliyeen waxa ay ku dileen xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in kooxda ka saaraan gododii ay gabaadka ka dhigan jireen .
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo kuwa macawuusleyda iyo kooxda Al Shabaab ka socday inta u dhaxeysa gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, waxaana dagaalladaasi khasaarooyin badan lagu gaarsiiyay Al Shabaab.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com