Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada magaalada Dhuusomareeb iyo Wadahadalo caawa socda

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in caawa xaalada ay degan tahay ayna istaagtay rasaastii xooganeed ee maanta dhan halkaasi ka socotay.

Ciidamada taabacsan maamulka Galmudug iyo ciidamada kooxda Ahlu Sunna ayaa wali ku kala sugan aagagoodii hore , ciidamada Galmudug ayaana hareereeyay xarunta Inji ay ku sugan yihiin hogaanka Ahlu Sunna iyo ciidamada ka amar qaata.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Ahlu sunna ayaa gudaha ugu jira xarunta Inji , waxaana gabi ahaana ciidamada amaanka Galmudug xanibeen in la galo ama laga soo baxo xarumnta Inji oo ah saldhiga Ahlu Sunna kuna hareereesan yihiin.

Waxaa caawa magaalada Dhuusomareeb ka socda dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo xiisada dagaal ee magaaladaasi ka jirta, waxaana la sheegay in Ahlu Sunna dalbatay in xaalada la dejiyo lana raadiyo xal kale oon xabad aheyn.

Odayaal, Ganacsato iyo siyaasiyiin ayaa la sheegay in caawa  magaalada Dhuusomareeb ka wadaan xal u helida xiisada dagaal ee halkaasi ka jirta, waxa ayna xubnahan ku mashquulsan wada xaajoodka doonayaan in xabada marka hore la joojiyo.

Madaxda maamulka Galmudug ayaa laga soo xigtay in aysan dagaal marnaba dooneyn balse kooxda Ahlu sunna ku eedeeyay in rabsho wadaan , waxa ayna madaxda Galmudug codsadeen in kooxdaasi isa soo dhiibaan si xal nabadeed loo gaaro.

Dagaalka maanta ilaa xalay ka socday magaalada Dhuusomareeb ayaa la sheegay in ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo waliba dad shacab ah .

Maamulka Galmudug iyo Kooxda Ahlu Sunna ayaa midbo midka kale ku eedeeyay dagaalka ka bilowday  Dhuusomareeb, dagaalkan ayaana cabsi badan galiyay caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb ay wada joogaan Madaxda Galmudug iyo Hogaanka Ahlu Sunna.

Shacabka ku nool magaalada Dhuusomareeb ayaa ka cabsi qaba in mar kale magaaladaasi ka bilowdo dagaal dhax mara ciidamada dowlada ee taabacsan maamulka Galmudug iyo ciidamada Ahlu Sunna ee horey u maamuli jiray Dhuusomareeb.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -