Cali Guudlaawe oo Muqdisho yimid iyo Xog xasaasi ah oo ku aadan ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xueeen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Cali Guudlaawe ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa loo balansan yahay inuu magaalada Muqdisho ka furmo dabayaaqada bishan Disembar sida lagu sheegay War murtiyeedkii ug dambeeyey ee ka soo baxay shirka golaha wadatashiga ee Muqdisho lagu qabtay bishii la soo dhaafay ee Oktoobar.

Arrintan ayaaa ku soo aadeysa xili Madaxweyne Xassan Shiikh uu shaki geliyey muddo kororsiga uu sameystay Madaxweyne Laftagareen oo muddo xileedkiisa sharciga ah uu ka dhamaaday 19kii bishan, iyadoo dad badan isweydiinayaan sida Laftagareen uu shirkaas uga soo qeyb gali karo hadiiba uu qabsoomo.

Laftagareen ayaa waxaa saaran culeys siyaasadeed iyo mid ciidan kaasoo ka dhashay muddo kororsiga halka sano ah ee uu sameystay, iyadoo shalay magaalada Baydhabo ay ka dhaceen dagaalo u dhexeeyey ciidamada maamulkiisa iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta diidan muddo kororsiga.

Waxaa xilli kasta la filan karaa in uu dagaal ka qarxo magaalada, dadkii ka dhawaa aagga halkii uu shalay dagaalka ka dhacay ayaa la arkayay iyaga oo ka qaxaya guryahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -