Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe iyo Musharax Kheyre oo kulan ku yeeshay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre.

Axmed Madoobe iyo Musharax Kheyre ayaa salaan iyo kala warqaad kadib yeeshay kulan ay uga hadlayeen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan kulanka la filayo in uu ka dhaco xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Labada Masuul oo xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo ayaa iska wareestay sida ugu macquulsan ee xiligan looga gudbi karo khilaafka hareeyay doorashada iyo sida laga maarmaan u tahay in dalka ka dhacdo doorasho wadar ogol ah.

Madaxweynaha Jubbaland oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo uu la yeelanayo wakiilo katirsan beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka uu inta badan kala hadlayay shirka looga hadlayo doorashada iyo sida heshiis loo gaari karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahdi Guuleed oo si Rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Koofi iyo Cabdul (Dawao Sawirro)

Cabdi Cade

RW Abiy Ahmed oo dib ugu laabtay dalkiisa iyo Wararkii ugu dambeeyey shirka Jabuuti

Caydiid Ali

Gabdho kamid noqday Haramcad oo tababar loo soo xiray iyo Saraakiil darajooyin loo xiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---