Ciidamo katirsan Ahlu Sunna oo nolosha lagu qabtay iyo Galmudug oo ka hadashay

Ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliiska Galmudug ayaa la sheegay in nolosha ku qabteen qaar kamid ah ciidamada Ahlu Sunna ee maanta weerarka ku qaaday saldhiga booliiska magaalada Guriceel.

Afhayeen u hadlay maamulka Galmudug oo lagu magacaabo Cismaan Ciise Nuur (Taar dhuleed) ayaa sheegay in ciidamada Glamudug maanta gacanta ku dhigeen qaar kamid ah ciidamada Ahlu Sunna ee weeraray Saldhiga booliiska Guriceel.

Waxa uu sheegay Afhayeen in wiilal lasoo qalday ay maanta xasilooni daro ka abuureen magaalada Guriceel ayna weerareen saldhiga, waxa uuna xuseen in ragaasi qaar kamid ah ay xiran yihiin halka kuwa kalana ay magaalada ka baxsadeen.

Taar Dhuleed ayaa ku eedeeyay kooxda Ahlu sunna in in qas iyo xabad ka bilaabeen magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel , waxa uuna sheegay in Ahlu sunna ujeedkoodu ahaa in ay dadka tusaan qaska ay ka wadaan Galmudug.

Afhayeenka u hadlay Galmudug ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Qoor Qoor tan iyo markii la doortay uu ku hoolanaa sidii loola hadli lahaa Ahlu Sunna, waxa uuna cadeeyay in kooxdaasi diiday wadahadal dad badan oo loo dirayna ay kasoo quusteen.

Hadalka Afhayeenka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili maanta dagaalo u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu Sunna dhaceen Dhuusomareeb iyo Guriceel, waxaana caawa xaalada magalaayooyinkaasi tahay mid degan waloow laga cabsi qabo in mar kale dagaalo dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -